Nolasha noolaha waxay ku dhisan tahay Lammaanimo, Murti ayaa waxay oranaysaa: “Kow Lammaa ka Roon” wax kasta oo Alle Abuurana waxay ka kooban yihiin Lab iyo Dhadig, kolkii la Abuuray Aadan oo ah Aabaha Dadka ay ka soo unkameen ayaa loo Abuuray Xaawa, sida loo Abuuray meesha laga Abuuray waxay noqotaba ha aheete, dabadeed waxay isku noqdeen Lammaane iyo wadajire, taas oo ay ku dhisan tahay Nolosha Aadanaha iyo guud ahaan Noolaaha dhammaan.
Nolasha Aadanaha waxay soo martaa heerar kala duwan iyo marxalado kala jaad ah, taas oo mid walba leedahay magac iyo duruuf u gooni ah oo lagu yaqaan, marxaladahaas waxaa ka mid ah: Marxaladda Lammannimada oo looga jeedo inuu ka gudbay heerkii Doobnimada Iskaabulonimada iyo kalinimada, taas oon gooni ku ahayn labada Lammaane waa Inanka iyo Inanta midna balse ay ku wada jireen.
Haddaba galitaanka marxaladdaan Lammaannimada waxay u baahan tahay inay ka horrayso; Marxaladda Cishqiga iyo Jacaylka ayna garab socoto Xulashada iyo Doorashada ku beegan qofka aad Nolasha la wadaagayso ama aad la qayb sanayso, haddaba si loo helo Lammaane; waa in la helaa Cishqi ama Jacayl, si Jacayl loo helana waa in la helaaa Dooq ku salaysan Xulasho, maxaa yeelay Dooqu waa bud dhigga Jacaylka iyo Lammaannimdaba ayna wehliso Xulasho, waxaase ayaan daro ah haddaan nahay Soomaali inaan lahayn Dooq ku salaysan Madax bannaani uu qofku kula yimaado Xulasho,haddaba waa su’aale yaa naga hortaagan Doorashada?!.
Waxaa la dhihii karaa waxaa naga hortaagan Doorasho Madax-bannaan -yaanna loo malayn inaan hadlayo Siyaasad iyo Madax tinimo- waxaa hortaagan Dhaqanka, Barbaarinta, iyo Aqoonta, oo intuba qofka ku garab galaan kuna garab is taagan inuu u kali noqdo Dooqa iyo caddaynta hal beegiisa, haddaba sideen uga guulaysan karnaa Caqabadaha naga hor taagan inaan la nimaanno Dooq miisaaman oon ahayn Laab lakac iyo Jamasho? balse ku qotama miisaan dheeli tiran, wxaan ku heli karnaa inagoo kala shaan dhayn ku samaynna Dhaqanka dibna u fiirinna Babaarintii hore xoooggana saarna Tacliinta iyo la dagaalanka Jahliga, maxaa yeelay Caqabadaha sadaxda ah waa kuwo aan marnaba sina looga gudbayn oo ay qasab tahay haddaad laba ka baxsato mid inaad baratamaysaan, sidaa darteed waa in la xoojiyaa sidii qofku u baran lahaa Shaqsiyaddiisa iyo Nafsaddiisa oo u agaalaanaysa inuu ogaado waxa ku xeeran ama ku meegaaran, taas oo u fududaynaysa inuu ogaado waxa la gudboon iyo siduu ugu dhaqaaqi lahaa, qofkuna wuxuu Shaqsisiyaddisa ku baran karaa inuu Aqoon leeyahay aqqoontana loogama jeedo inuu Master, B.H.D iyo Shahaadooyin haysto, balse waa inuu leeyahay Aqoon u saamaxaysa inuusan ahaanin qof hoggaanka loo hayo!, sidoo kale Tarbiyaddu waxay si weyn qofka ugu abuurtaa Kalsooni uu ku qabo Naftiisa isagoo ka qaatay isku fillaashahaas kaalintii ay ku yeelatay fursaddii uu u helay Barbaarinta sare.
Qormaddeenna waxaa hal beeg u noqon doona labada eray ee kala ah: Lammaane iyo Caashaq, aanna ku horreynno Caashaqa anagoo ku bilowna Heestaan macaan ee ay ku luqayso fanaanadda weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootaan ee Hal ku dhaggeedu yahay: Sadax Cadow ayaa Jira, Heestiina waa tan:
Sadex Cadow ayaa jiray
Dadka soo Caddaabi jiray
Oo Ciriiri Galin jiray
Laba waa la Cirib tiray
Cilmigii wax laga Baray
Cirka waatan loo Kacay
La Carraabi Gaajo
Caydh Xoolo laga Dhaqay
Ha Yeeshee Colka u Daran
Wali Caynna loo Waa
Culimada Adduunkee
Caafimaadka Baartee
Cuduradaan la Dabar Goyn
Caashaqa halgu Daroo!.
Haddaba sida ku cad miraha Heesta Caashaqu wuxuu ku timaaman yahay laba tilmaamood oo kala ah: Cadow iyo Cudur, haddaba aan si waydiinnee Caasgqu ma Cadowbaa? Hadduse yahay yuu u yahay? Sidoo kale Caashqu ma Cudurbaa? Hadduu yahay yuu ku dhacaa? Maxaase lagu gartaa?.
Ugu horrayn aan bal isku larno Cishqi iyo Jacayl si aan loogu fahmin inaan ka hadlaynno Cishqi kaliya, haddaba Jacayl waxaaa la dhihi karaa: "Dareen Gudaheed ay wehliso Raalli Noqosho Xambaarsan Laab Xaarnaan" sida ka muqata weedhaan waxay ka kooban tahay marka laga soo tago Dareenka laba qaybood oo kala ah: Raalli ahaansho oo Daaqadda ka saaraysa Erayada ay ka midka yihiin: Laba Farood mid Dooro, iyo Duco ama Habaar mid qaado!, waxaan ku tilamaami karnaa taas Afrduub iyo Jujub, sidoo kale waa inay Raalli ahanshadu Xambaarsan tahy Qanac ka soo maaxday qofka maskaxdiisa kuna aqbalay rabitaankiisa isagoon Culays iyo baqdin hayan.
Aanna dhextaal uga dhigno Qormadeena Heestaan aadka u amaccaan ee Codkiisa macaan ku luqeeyo Fannaanka weyn ee Axmed Gacayte oo Heestaan oo hal ku dhaggeedu yahay: Umalay Jacayl Heestiina waa sedan:
Weli jaar ma Noqoteen?
Jid ma wada Lugeyseen?
Ma la Cuntay Jidiin wali?
Jihaad ma isku Aragteen?
Jiidhkaad ka Dhalatiyo?
Ma kaa jaray Dadkiinii?
Gooni socod makaa Dhigay?.
Umaleey Jacayl
Wali Jiif ma kugu Helay?
Jir-jirada ma kaa Galay?
Hadba Dhinac ma ku Jaray?
JIbadka iyo Taahii
Jeerdhaaf ma Oydoo
Ilmo Jagac ma kaa Tidhi?.
Umaleey Jacayl
Jalow ma kula Yidhi?
Jarro adag ma kugu Xidhay?
Heeryo Jaan ma kugu Raray?
Jilbahana ma kuu Riday?
Waxaad Jeefad socotaba
Intuu Jalowgii kula Dhacay
Lugahaad ku Joogtiyo.
Haddaba waa la gudboon Da'yarta iyo Dhalinta soo koraysa inay ka digtoonaadaan Caqabdaha hor sitaagi kara Dooqa, markii la helo Dooq iyo Doorasho ayaa jacayl ama Cishqi yimaadaa, haddaba Jacayl ma Dhabbaa mise waa Dhalan teed waa su'aal ay is waydiiyaan dad badan iyagoo ka duulaya aqoontooda gaban iyo ogaalka ay u leeyihiin Jacaylka, walibana kaashanaya Dhaqanka oo aan sidaa usii xoojin kaalinta Jacaylka, bal aan loo helayn tusaaloyin laga dhigan karo hal hays ama hal ku dhag marka laga reebo dhowr sida: Cilmi Boodhari iyoHoddan, taas oo ay ka dhalatay in gabai ahaanba aan la helin Lammaane Jacayl siku Guursada kuna aqal gala Cishqi, Dhaqanku wuxuu sidoo kale masul ka yahay is aaminaad la'aanta ka dhex taagan Haasaawayaasha ku howlan Xodxodashada ama khilaafka ka dhalan kara, maxaa yeelay waxaa jirta Oraah dhahaysa: "Naagi Kun bay Koodisaa kowna way kala Baxdaa"! haddaba wiilkan ku jira Haasaawaha yaa u ballan qaadaya inuu noqon doono Kowga lagala bixi doono Kunka lagu garab wado?!, tuhunkaas wuxu keenayaa inuu isna kun kale oo Dumar ah la Haasaawo maadaama uusan garanayn meesha aayatiiskiisu ku dambayn doon, Ragguna wuxuu caadaystay Oraahdan ah: "Gacan la Barkan Doono Allaa Oge ….!"isagoo u muujinya Gabadha inaysan wax ku dambaynayn sida ay u qorshaysay ama u rabto sidaa darteed ay ku habboon tahay inaysan Albaabka xirin ama aysan dhan u badan, taas oo ku keeni doonta Cawaaqib xumo iyo Mustaqbal la'an.
Shakigan u dhexeeya labadii Tirrisaaddu u dhexeysay iyo is aaminad la'aanta ka dhex aloosan ee qof walba kan kale ka boodsan yahay waxaa u sababa Runta oo laga weecday oo Dhaqanku ku lug leeyahay, maxaa yeelay maba lagu Abaabasho dhallaanka Runta, Oofinta Ballanka, ka soo Dhalaalidda Wacdiga, waxaana ka dhaasha arintaan in la isku danaysto oo qof walbaa uu noqdo danlay u fadhiya inuu fushado danahiisa u gaarka ah, lama Diiddana in Noloshu tahay Dan balse waxaa Ceeb ah in lagu soo afmeero tayda uunbaan fiirsanayaa dadka kale tooda maxa iga galay?!, waxaana ku gaabinaaya in dib loogu laabto dhaqanka laguna sameeyo isku shaandhayn haddaanba la shaqshaqi Karin oon laga qaadan Karin inta wanaagsan lana tuuri Karin ama laga tagi Karin inta xun ama ugu yaraan aan la jaan qaadi Karin Casrigan, bal dhadhanso Erayada Heestaan macaan ku jira ee ay ku luqayso Fanaanadda Sahra Axmed ee hal ku dhaggeedu yahay: Nabaddii Durygtee Heestiina waa tan:
Mise Dira diraalaha
Kala Dila Dadka is jecel
Labadii is Doortaba
Kuwa loogu Dawgaley
Ayaa Dan kale wada
Duminaaya caashaqa!
Wataa Nabaddii Durugtee
Horta yey isku keen Diray?
Dambiga ayaa iska leh?
Dumadiisa ayey tahay?
Yaa Dabinadaa Dhigay?
Yaa Dooxay Caashaqa?
Qalbigeenii Duufsaday?.
Sidoo kale waa in carruurta lagu Barbaariyaa: Run Sheegga, Oofinta Ballamada, markaas ayaa laga yaabaa in laga gudbo shakiga udhexeeya Haasaawayaasha!.
Haddiise Caqabadahaas oo dhan laga soo gudbo Haasaawihiina ku soo dhamado in la isu noqdo Lammaane wuxuu dhibku ka imaanayaa Isbaarada Dollar-ka ($), Wiilasha ka imaanaya Maraykanka Kanada iyo dalalka Yurub oo soo arkay Ilbaxnimada iyo hor-u-marka Reer Galbeedka oo markii uu Reerka ku soo dago ka dib dhahaya: Gabar halla ii doono!, ee Wiil Reer tabareed ah Gabar uu Jacayl la soo jilayey Isbaaro u dhiganaya si damiir la'aan ah, waxaan horay u maqli jirnay ama aan in badan aragnay qof Isbaaro Qori loogu dhigto ee miyaad maqasheen dadow qof Dollar lagu Isbaaraystay?!, dabcan haa waa tan manta Caqabadda weyn ku ah Lammaanayaasha is fahmay kalsooniduna dhex martay, waxaana looga baahnaa Raggan ka imaanaya Dalalka Reer Galbeedka kuna soo noqonaya Dalka inay la yimaadaan Caqliyad iyo Feker ka duwan kii horey looga isticmaali jiray Dalka khasaarihiisana laga wada dharag sanyahay, si ay u dhiira galiyaan Dhalinta Jacayl baradka ah, kuwa soo korayana u noqdaan tusaale fiican oo ku dayasho mudan, waxaase dhacday Kaaf iyo Kala dheeri: In Gabar uu Wiil in muddo ah Jacayl la soo waday Ragga dibadda ka imaanaya oo Dollar farqaha ku wata Indhana u yahay ay Wiilkaa Gabadhii ka furtaan kana af-duubtaan, taasna waxay la mid tahay: Qof inta Geed Abuuray markii Xoog iyo Xoolo ku beelay Ciddiyihiina uga bexeen Barbaarintiisa ayaa marka ay soo dhawdahay Xilliga Mira-gurashada qof kale oo aan Beeridda Geedka iyo kobcintiisaba aysan waxba uga bixin uu dhexda ka marooqsado sidaana kula wareego nafcigii Geedka iyo waxtarkiisa, sidaana meel bannan ugu soo dhoco kuna habsato wax la’aan iyo fara marnaan, imisa ayaa aragtay galabtii gacalisadiisa oo aqalkooda laga mashxaradayo aroosna laga galliiminayo, hadduuse carrada waraystay ogaaday in Xafladdaani tahay Qabrigii Jacaylkiisa, markaa ayaana waagu u baryaa murugu iyo tiiranyana usoo hoyataa!.
Lammanayaasha is doorta isbaarada ay ku dhacaan iyo dhaca loo gaysto waxaa qayb wayn ka ah labada Waalid oo dhaafsada Inaantooda xoogaa Dollaraad ah oo laga qaato Inanka soo doontay Inanta, Waalidka oo ku indha daraandara Beesada uu bixinayo Wiilkan iyadoo ay wehliso ballan qaadyo ku saabsan Mustaqbalka iyo maalmaha soo socda, bal ila dheeho Heestaan macaan ee ay ku luqayso Fannaanadda Sahra Axmed heestaan oo hal ku dhaggeedu yahay Xoolo ha iga Raacina, Heestiina waa tan:
Cirka haddii Xayaab laga waayo
Dhulka Xubin engaga ee
Dharab Xididka Qooyiyoo
Xafiif la Arki waayo.
Xoxobadu Madhaanee
Abaar Xaalufiyaa
Xoolaha Dhameysana
Gabadh lama Xumeeyee!.
Xishoodka haka tagin Aabe
Xaragada ku Dhimo Hooyo
Intaad Ani i Xoortaan
Xoolo ha iga Raacina!.
Cirka haddii Xayaab laga waayo
Dadka Xagashu Liicdee
Raggu uu Xarago Gabo
La Xabaalo Geesiga
Geela Xerada Diideef
Xamil Qaadi waayana
Arin la Xalin waayana
Gabadh lama Xumeeyee!.
Xishoodka haka tagin Aabe
Xaragada ku Dhimo Hooyo
Intaad Ani i Xoortaan
Xoolo ha iga Raacina!.
Haddaba ma suura galbaa in la kala geeyo Lammaanaasha Dooqoodu isku dhacay? Waxaa hubaal ah in Lammaanayaal badan ay dhibanayaal u yihiin Caqabadaha aan ka soo sheekaynay, balse waxaa jirta Lammaanayaal u babac dhigay Caqabadihii ka hor yimid kagana guulaystay Caqli Kas iyo Maan, kuna aaqirsaday inay isku waaraan kuna noolaadaan nolalasha ay iga doorteen.
Guntii iyo gabagabadii waxaan u rajaynayaa Lammaanayaasha is Calmaday inay ku Larnaadaan Jacayl kuna dhafnaadaan Cishqi, iyagoo noqonaya sidaan Cinwaanka ka dhiganay Lammaane Caashaq oon la Loodin Karin!, waxaanna Qormadaan ku soo Afmeerayaa Heesta ay sida talan taaliga ah isugu jiibinayaan Xidagaha Dhalinta Waayaha Cusub ee Dalmar iyo Fallis Heestaan oo magaceeda la yiraa: Ciqshi Heestiina waatan:
Caashaqbaa Ijiitoo
Jeenigayga Maranoo
Jeenankiina Diidoo
Iga Dhigay Juq laawee
Waan ku Jeclahay.
Jawaabtaad itiribaa
Wadnahayga Jiiftoo
Siduu yahay Jirkaygaa
Ugu soo Jidboodee
Waa ku Jeclahay.
Waa ku Jeclahay
Jawaabta Ruxi yiri
Jamashadu u Dheertahay
Jiha Diidba ma lehee
Jahligii Adkaystana
Dhabadaba ma Joogee
Jaarbaynu
Jaall baynu nahay.
Qarqaryada Jirkaygiyo
Iga Qaaday Jeelkee
Intaan Jiro Adduun yada
Kuma aan Jaraayee
Waa aan ku Jeclahay.
Jaadkaaga Quruxdiyo
Joogaagan Dheeree
Markaan soo Jalleecee
I Qarqariyey Jacayloo
Waa aan ku Jeclahay.
Waa ku Jeclahay
Jawaabta Ruxi yiri
Jamashada u Dheertahay
Jiha Diidba ma lehee
Jahligii Adkaystana
Dhabadaba ma Joogee
Jaarbaynu
Jaall baynu nahay.
Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com.
Tripoli-Libya.